Qaramada Midoobay: Saddex Milyan oo Soomaaliya ayaa u baahaan cawimaad

Mareeg.com: Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon ayaa sheegay in ugu yaraan 3 Milayn oo Soomaali ah u baahan yihiin kaalmo aadanimo, isagoo sidoo kalana xusay in dalku khatar ugu jiro macluul la mid ah tii dhacday sanadkii 2011.

“In ka badan 3 Milyan oo Soomaali ah ayaa u baahan in la gargaaro, waxaana nasiib darro ah in tiradu sii korsheyso, waxaana ku boorinayaa deeq-bixiyaasha iney tabarucaad sameeyaan si aan macluul kale uga dhicin Soomaaliya” ayuu Ban Ki Moon oo arbacadii shalay booqday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Bishii August, Philippe Lazzarini oo ah Madaxa Isku-dubaridka Howlaha Aanadimo ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in nafaqo darrada iyo raashin yarida sii kordheysa ee Soomaaliya ay sababi karaan macluul hor leh.

Roobabkii go’a ee lasoo dhaafay ayaa aad ugu yaar inta badan dalka Soomaaliya, waxaana meelaha qaar colaado dartood suurgal noqon weyday iney la tacbo beeraha, taasoo xaaladda adkeysay.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245