Qaramada Midoobay oo War kasoo saartay weerarkii lagu qaaday Xalane

Read Time:52 Second

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii madaafiicda loo adeegsaday ee shalay lagu qaaday xarunta Xalane ee Garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee Muqdisho.

James Swan, ayaa sheegay in weerarkan madaafiicda loo adeegsay aysan khasaaro kasoo gaarin shaqaale katirsan Qaramada Midoobay , waxa uu sidoo kale tilmaamay in aysan waxyeelo sidoo kale kasoo gaarin xarumaha Qaramada Midoobay leedahay.

“Waxaan cambaareynayaa weerarkan madaafiicda hoobiyeyaasha ah ee al-Shabaab ku weerareen  garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaan soo kabasho degdeg ah  u rajeynayaa dadkii ku dhawaacmay goobaha kale ee garoonka diyaaradaha” ayuu yiri James Swan.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa caddeeyay inay jiraan falal rabshado wata oo noocaas oo kale ah, hadana saaxiibbada Soomaaliya ee caalamka waxaa ka go’an inay garab istaagaan dadka Soomaaliyeed, ayna sii wadaan taageerada ay u fidiyaan horumarka dalka.

Laba Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ku dhaawacmay weerarkii Al-sbabaab ku qaadeen Xerada Xalane, isla markaana waxaa ku burburay Xafiisyo iyo gaadiid yaallay halkaas.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.