Qaramada Midoobay oo Wakiil cusub u soo magacowday Soomaaliya. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qaramada Midoobay oo Wakiil cusub u soo magacowday Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay BanK moon ayaa Isniintii ku dhawaaqay magacaabista Hubert Price, ah sarkaal sare oo ka tirsanaan jiray ciidamada Qalabka sida ee dowladda Mareykanka in uu noqdo madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

Afhayeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa wariyeyaasha u sheegay in Hubert Price uu aqoon dheer u leeyahay ka shaqeynta iyo sidoo kale dar dargalinta howlaha Qaramada Midoobay ee Qaarada Afrika.

Afhayeenka ayaa sheegay Hubert Price in uu waxbadan uu ka badali doono xaalada dadka Soomaaliyeed iyo sidoo kale in uu la shaqeeyo dowladda Soomaaliya xilli ay dalka ka bilaabayaan howlaha Doorashooyinka.

Hubert Price ayaa Madax ka soo noqday xafiiska Qaramada Midoobey ee dalka Liberia intii u dhaxeysay  2010 ilaa 2015.

Hubert Price ayaa dhankiisa warbaahinta u sheegay in uu waxbadan ka qaban doono Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa sidoo kale balan qaaday in uu dar dar galin doono howlaha xafiiska .

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!