Qaramada Midoobay Oo Sii Deysay Tartanka Saxaafadda Soomaaliya Ee 2013

Read Time:1 Minute, 13 Second

Muqdisho-(Mareeg.com)- Qaramada Midoobay ayaa si deysay, islamarkaana ku marti-qaadday weriyeyaasha Soomaaliyeed inay soo gudbiyaan barnaamijyo iyo qormooyin sharraxaya arrimaha horumarinta iyo bini’aadannimada, si ay uga qeyb galaan tartanka abaal-marinta saxaafadda Soomaalida ee sanadkan 2013.

Abaal-marintan ayaa loogu talagalay in lagu bixiyo tayo sarreynta, raacidda mabaadii’da saxaafadda wanaagsan iyo xaalad u habboonaanshiyaha waxyaabaha ay saxaafaddu baahiso, waxeyna gaar u tahay saxaafadda ku hadasha af-Soomaaliga, si loo aqoonsado kaalinta ay ku leedahay sare u qaadidda wacyigelinta dadweynaha ee ku aaddan arrimaha horumarinta iyo bini’aadannimada.

Abaalmarintaan waxaa taageeraya Hay’adaha kala ah: UNDP, UNFPA, OCHA iyo UNESCO, waxeyna u furantahay weriyaasha ka shaqeeya Soomaaliya ee ka howlgala Idaacadaha, Wargeysyada iyo Website-yada.

Philippe Lazzarini oo ah xiriiriyaha howlaha deegaameynta iyo bini’aadannimada ee Qaramada Midoobay ayaa ku sheegay danta laga leeyahay abaal-marintan in lagu dhiirrigeliyo saxaafad xoog badan oo firfircoon, oo ka hirgashay Soomaaliya.

Guddi xeerbeegti ah oo ay ka mid yihiin saxafiyiin, wakiillo ka socda saxaafadda iyo khubarro dhinaca war isgaarsiinta ah, kuwaas oo ka imaanaya Qaramada Midoobay, Ururka Suxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) iyo Ururka Suxifiyiinta Somaliland (SOLJA) ayaa kala saari doona sheekooyinka iyo barnaamijyada guulaystay iyo kuwa aan guuleysan.

Weriyaasha ka qeybgelaya tartankaas ayaa loo qabtay iney qoraaladooda ama barnaamjiyadooda kusoo gudbiyaan inta u dhaxeysa 23rd October – 6th November 2013.

Saxafiyiinta ku guulaysta abaal-marintan ayaa lagu dhawaaqi doonaa maalinta xuquuqul insaanka ay u astaysay Qaramada Midoobay ee 10-ka bisha December, 2013.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %