Mareeg Media
Somalia

Qaramada Midoobay oo sheegtay iney khatar ku jiraan 50,000 oo caruur Soomaali ah

Nairobi – Mareeg.com: Qaramada Midoobay ayaa sheegeysa in 50,000 oo carrur Soomaaliyeed ay khatar ugu jiraan macluul ka dhalata nafaqo darro, waxeyna dalbatay lacag xoog leh oo ay ku howlgasho sanadka 2014.

Philippe Lazzarini oo ah madaxa ugu sarreeya Qaramada Midoobay ee qaabilsan gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya ayaa sheegay inay liidato xaaladda bini’aadannimo ee Soomaaliya, balse aan lala barbardhigi karin macluushii dalka ka dillaacday sanadkii 2011.

Qaramada Midoobay ayaa waydiisatay deeq-bixiyeyaasha lacag dhan $933 milyan oo ay u rabto howlgallada bini’aadannimo ee ay ka sameyneyso Soomaaliya sanadkan 2014.

UN-ka ayaa sheegaya in 2.9 milyan ruux oo Soomaali ah u baahan yihiin in la caawiyo.

Wuxuu sheegay in deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah ay lacag yar soo gaarsiiyeen Soomaaliya, maxaa yeellay waxay ku mashquulsan yihiin sidii wax looga qaban lahaa mashaakilaadka ka taagan Syria, Koonfur Sudan iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isniintii sheegay in Soomaaliya dooneyso iney aragto deeqbixiyaasha oo oofinaya ballanqaadkii lacageed ee ay Soomaaliye u sameeyeen ee gaarayayey $2.4 billion.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.