Qaramada Midoobay oo lacag ugu deeqday dowladda Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qaramada Midoobay oo lacag ugu deeqday dowladda Soomaaliya

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa deeq lacag ah loogu deeqay dowladda Soomaaliya.

Lacagtaan oo lagu qiyaasay 2 million oo dollar-ka Mareykanka ah ayaa Qaramada Midoobay waxa ay sheegtay in loogu talagay in lagu horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha dowladda Soomaaliya.

Lacagtaan ayaa la sheegay in qeybta hore lagu maalgelin doono gobolada Banaadir iyo Jubbada Hoose ,iyo sidoo kale gobolka kale oo aysan shaacin magaciisa.

Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye oo ka hadlay deeqdan ayaa sheegay in ay tahay labo milyan oo doolarka Mareykanka, islamarkaana wax badan ay u qaban doonto shacabka Soomaaliyeed, isagoo dhinaca kalena sheegay in deeqdan aaney qeyb ka aheyn barnaamijka New Deal-ka.

Sanduuqa horumarinta iyo nabada ee Qaramada Midoobe oo lacagtaan bixiyay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay hadda u baahantahay in laga taageero dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegtay in lacagtaan ay si toos ah ugu soo dhacayso bankiga dhexe ee dowladda Soomaaliya ay maamusho.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!