Qaramada Midoobay Oo Haween Soomaali Ka Qaadday Magaalada Bor Ee Koonfurta Sudan

Read Time:53 Second

Bor, Mareeg.com: Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa 11 haween Soomaali ah ka soo badbaadisay magaalada Bor ee Koonfur Sudan, halkaas oo ay ka dhacayeen dagaalladii ugu cuslaa ee dhex mara dhinacyada isku haya siyaasadda waddankaasi.

Muno Nuur Diiriye oo ka mid ah haweenka ay soo badbaadisay Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay markii hore gudaha u galeen xarun ay Qaramada Midoobay ku leedahay magaalada Bor, kaddibna halkaasi ay ka soo qaadday diyaarad ay leeyihiin ciidamada Qaramada Midoobay ee jooga waddankaasi.

Waxa ay sheegtay in ay la socdeen 55 kale oo dumar ajaanib ah, kuwaas oo iyaguna xerada Qaramada Midoobay ee Bor u galay magan-gelyo doon.

Haweenka ay soo qaadday UNHCR ay ka qaaday magaalada Bor ayaa la geeyay magaalada Juba ee caasimadda Koonfur Sudan, halkaas oo ay haatan xaaladdeedu tahay mid deggan.

Magaalada Bor ayaa shalay lagu dilay ilaa 4 Soomaali ah iyo dad kale oo u kala dhashay Itoobiya, Uganda, Sudan, Ghana iyo dalal kale, kuwaasoo ku safrayey doon si ay u gaaraan magaalada caasimadda ee Juba.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %