Qaramada Midoobay oo dalbatay $60 Milyan dollar oo loo rabo Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qaramada Midoobay oo dalbatay $60 Milyan dollar oo loo rabo Soomaaliya

Nairobi – Mareeg.com: Qaramada Midoobay ayaa isniintii dalbadatay $60 Milyan dollar, taasoo ah kaalmo la doonayo in lagu baajiyo gaajo iyo masiibo banaa’aadanimo oo ka dhacda Soomaaliya.

Isuduwaha xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan bini’aadannimada Soomaaliya, Philippe Lazzarini oo isniintii shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa ka digay xaalado bini’aadannimo oo halis ah oo ku soo wajahan Soomaaliya bilaha soo socda.

Philippe Lazzarini ayaa dalbaday ilaa $60 milyan oo doolar oo deg deg ah toddobaadyada soo socda si looga hor tago xaalado halis ah oo imaan kara.

“Haddii aan kaalmo loo helin ilaa 50,000 oo carruur ah oo wajahaya nafaqo darro waxey khatar ugu jiraan geeri” ayuu Philippe Lazzarini oo warbaahinta kula hadlay Niarobi.

Isuduwaha ayaa sheegay in ay jirto xaalad qatar ah oo sababtay roobabka oo xilligooda kasoo daahay, dagaallo deegaannada qaar ka socda iyo sicirka raashinka oo kor u kacay, wuxuuna ugu baaqay dalalka deeqaha bixiya in ay gargaar deg deg ah lasoo gaaraan.

Isuduwaha xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan bini’aadannimada Philippe Lazzarini ayaa caddeeyay in sanadkan kaliya ay heleen $160 Milyan oo dollar oo ka mid ah lacagtii ay dalbadeen oo gaaraysay $133 milyan oo dollar.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!