Qaramada Midoobay oo ballanqaad u sameysay gobolka Shabeellaha Dhexe

Read Time:1 Minute, 0 Second

Jowhar – Mareeg.com: Qaramada Midoobay ayaa ballan qaaday iney dib u dhis ku sameyn doonto weyb ka mid ah wadada laamiga ah ee marta gobolka Shabeellaha Dhexe, sida uu sheegay gudoomiyaha gobolkaas Cabdi Jiinow Calasow.

Gudoomiyaha Shabeellaha Dhexe, Cabdi Jiinow oo ka hadlay booqashadii shalay ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nickolas Kay uu ku tagay magaalada Jowhar ayaa tilmaamay inuu ballan qaaday in sidoo kale UN-ka mashaariic horumarin ka fulinayo Shabeellaha Dhexe.

“Booqashada uu noogu yimid shalay Nicklos Kay waxey aheyd inu u kuurgalo xaalada uu xiligan gobolku ku suganyahay, inuu arko shacabku siduu yahay iyo inuu indha indheeyo bii’ada ayuu u yimid, wuxuuna shalay na soo gaaray sagaalkii aroornimo wuxuuna naga tegay ilaa sadexda galabnimo, intaasna wuxuu ku jiray kormeero iyo kulamo uu la qaadanayay maamulka gobolka” ayuu yiri Cabdi Jiinoow gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe.

Gudoomiye Cabdi Jiinoow Calasow ayaa sheegay in booqashadii shalay uu ku tegay Jowhar Nicklos Kay ay laheyd gaar ah, isagoo xusay inuu indhisiisa ku arkay baahida ka jirta gobolka ee dhinacyada caafimaadka waxbarashada iyo dib u dhiska adeegyadi bulshada ee ku burburay dagaaladi.

Shalay ayuu danjire Kay booqasho maalin barkeed ah ku tegay magaalada Jowhar ee xarrunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %