Qaramada Midoobay: Alshabaab weerarro ayay la damacsanyihiin Soomaaliya iyo dalal deris ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qaramada Midoobay: Alshabaab weerarro ayay la damacsanyihiin Soomaaliya iyo dalal deris ah

Muqdisho – Mareeg.com: Qaramada Midoobay ayaa ka digtay halis ay sheegtay iney sii kordheyso oo ay Alshabaab ka wadaan Bariga Afrika iyadoo howlgal milateri oo ballaaran uu ka billowday Soomaaliya bishan Maarso 2014.

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa sheegay inay Alshabaab wali firfircoon tahay, ayna qorsheyneyso weerarro ay ka geysato Soomaaliya iyo dalalka deriska sida Uganda iyo Kenya.

Ilo amni ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay u cararayaan buuraha ku yaalla gobolka Bari ee maamulka Puntland, balse qaar ka tirsan dagaalyahannada ajnebiga ah ayaa laga yaabaa inay u tallaabaan Yemen, ama u baxsadaan dalalka deriska sida Itoobiya iyo Kenya.

“Way ka cararayaan magaalooyinka waa weyn, kuwa badan oo ayaga ka tirsan ayaa galay Muqdisho,” ayuu yiri Nicholas Kay.

Al-Shabaab ayaa wacad ku martay inay ka aargudan doonto dalalka ciidamadooda u soo diray Soomaaliya ee kala ah Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Sierra Leone iyo Uganda.

Dhan kale, wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha dalka Somalia, danjire Nicholas Kay ayaa cambaaareeyey xiisadaha ka aloosan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, kuwaasoo u dhexeeya taageerayaasha maamullo iska soo horjeeda oo Baydhabo laga dhisayo.

Danjira Kay ayaa sidoo kale cambaareeyay dilkii sideed oday dhaqameed loogu geystay duleedka degmada Buur-hakaba, kuwaasoo ka mid ahaa odayaashii wax ka dhisay maamulka Koonfur-galbeed ee lixda gobol.

“Waxaan cambaareynayaa dilkaas cadownimda leh ee odayaasha loo geystay, tacsi ayaan u dirayaa ehelladii marxuumiinta. Waxaan ku baaqayaa in kooxihii falkaas ka dambeeyay lasoo qabto, lana horkeeno cadaaladda,” ayuu danjire Nick Kay ku yiri shir ay Addis Ababa ku yeesheen guddiga golaha ammaanka iyo nabadda ee AU-da.

Sidoo kale, ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia ayaa ku baaqay in xiisadaha ka taagan magaalada Baydhabo lagu dhameeyo wadahadal iyo nabad, isagoo ugu baaqay dhinacyada isku haya siyaasadda inay dhistaan maamul ay ku mideysan yihiin.

“Waa muhiim in dhammaan dhinacyadu ay ka shaqeeyaan sidii wax looga qaban lahaa arrimaha ka jira Baydhabo iyo inay dhisaan maamul ay ku mideysan yihiin oo waafaqsan dastuurka dalka u dagsan,” ayuu yiri Kay.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!