
Waxaa nasiib daro ah in aay samaaysantay silsilad isku xidhan oo samaaystay company aan xitaa si sharciya u ragistar garaaysnaayn, balse la siiyo qandaras kasta oo Wasaarada Warfaafinta Dalxiiska ka soo baxa, arrinkan oo aan aad ugu dhaba galay ayaa waxaa ii cadaatay in dadkan xaq darada ku bahoobay aay badidoodu isku wada bahaysteen sidii loo boobi lahaa hantid ma guurtada ee ay leedahay Dawlada Somaaliyeed qeybta Dalxiiska.
Dadkan dulmiga ku heshiiyay waa dad wadaag ku ah amaba shared ku ah mashruuc kasta oo soo baxa, Raga ugu tunka weeyn waa Wasiirka Warfaafinta Dalxiiska iyo Wasiira Dawlihiisa waa Wasiiro Maareye iyo Beegoos.
Waa caadi inaay bulshadu la yaabto sida qandaraska Hotel Curuba ay u bixiyeen oo ay siiyeen laba nin oo ganacsato degan Dubai mardhawna si sharci dara ah u gatay Dhisma can ahaa oo la oran jiray Koreeja Del Sud Xamarweyne uu lahaa nin Talyaani ah oo reerkiisa ay degan yihiin Dalka Talyaaniga, waxaa yab leh nimanka oo ku andacoonaya inay ka iibsadaan dhismahaas wiil Somaali uu odayga tayaaniga soo korsaday kaas oo lacag aad u hoosaysa laga siiyay oo ay haddana ka dhisteen Shopping Center cusub
Labadaas Nin waxaa la yiraahdaa Shariif Axmed iyo Cabdulahi Cali Adoon waxay soo geliyaan oo ay ka ganacsadaan Burka iyo rashiinka waqtigiisa Dhacay taas oo sababta dad badan ku xanuunsadaan ama dhintaanba sababa la xiriira Raashiinkaas Dhacay,
Dadkan xaq darada ku bahoobay ayaa u badan dad aan haba yaraatee ka xishoonaayn dulmiga aay ka gelayaan ummada Soomaaliyeed haba yaraate waxbana aan ka xishoonaayn ama Dulmi iyo awood ku qaata Mashruuc kasta oo dalka ka soo baxa..
Ulajeedada qoraalkaaygani hadaba waa inaay Dawlada Soomaliyeed joojisaa Qandaraasyada sharci darada ay bixiyeen Wasiir Maareeye iyo Beegoos iyada aanan waxba lagala socodsiinin Wasaarada inteeda kale iyo Agaasimayaasha ku shaqa leh arrimahan Qandaraasyada.
Labadan wasiir oo ku bixiyay Qandraaska Hotel AlCuruba wadanka banaankiisa sida Jabuuti iyo Dubai
Iyaga oo ka qaatay lacag dhan $120000 oo ay bixiyeen Sharif Ahmed iyo Abdulahi Ali Adoon.
Waxaan ka codsanaynaa in HantiDhowrka uu talaabo ka qaado labadaan Wasiir oo Hotel Alcuruba ku bixiyay laaluush iyaga oo siiyay Ganacsato waxyeelo badan gaarsiiyay Ummada Soomaaliyeed.
Sidii reer Berbera idhaha u fureen markii ay arkeen in hamahii Batroolka Dawladda la iibinaayo waa in reer Muqdisho indhaha u furaan oo arrintaan ka dhiidhiyaan.
A S J
Freelance Journalist
Djibouti