Mareeg Media
Somalia

Qalbi Dhagax oo sheegay in uu imaan doonin Muqdisho + Sababta

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Xubnaha Sar sare ee Ururka ONLF ayaa lagu wadaa in dhawaan uu booqasho ku tagi doono Puntland iyo Galmudug.

Qalbi Dhagax oo hada ku sugan Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Soomaaliland ayaa waxa uu sheegay in doonaayo tagida Puntland iyo Galmudug oo kamid ah maamul goboleedyada dalka jira,isla markaana halkaasi uu kula kulmi doono Madaxa iyo shacabka ku dhaqan.

Sidoo kale Cabdikariin Sheekh Muuse ayaa ka dhawaan jiyay in uusan imaan doonin Magaalada Muqdisho,isagoo sababta ku sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uusan rabin in uu ka kulmo.

“Safarka aan ku tegi doono Puntland, Galmudug iyo meelo kale kama mid ahan Muqdisho maadama ay tahay goobtii laga iiga dhiibay dowlada Itoobiya”ayuu yiri Qalbi-Dhagax.

Dhinaca kale Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Xubnaha Sar sare ee Ururka ONLF ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ay joogaan Shacab badan oo taageyrsan,isla markaana ay aheyd in aan booqdo,balse aan dooneyn in aan tago Muqdisho.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!