Qadar oo markii u horeysay kun askari ciidamo dhulka ah u direysa Yemen * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qadar oo markii u horeysay kun askari ciidamo dhulka ah u direysa Yemen

Dowladda Qadar ayaa markii u horeysay Ciidamo gaaraya kun askari u direysa dalka Yemen, si ay uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Mucaaradka Xuutiyiinta.

Sida uu shaaciyay Telefishinka Al-Jazeera ee fadhigiisa yahay magaalada Doxa Qatar ayaa go’aansatay in Ciidamadaas ay u dirto Yemen sida ugu dhakhsiyaha badan.

Ciidamadan gaaraya kunka askari ayaa waxaa taageeri doono gawaarida gaashaaman ee qoryaha saaran yihiin iyo Helicoptero, waxaana la sheegay inay gaareen Gobolka Marib

Todobaadkii hore Kooxda Xuutiyiinta ayaa illaa lixdan askari oo ka tirsan Isbaheysiga Sacuudiga uu hogaaminayo ku dishay weerar gantaal ah.

Weerarkaas waxaa ku dhintay 45 askari ka tirsan Imaaraadka, 10 askari Sacuudiyaan ah iyo shan u dhashay dalka Bahrain.

Askartan ayaa ku dhintay bakhaar hub ku keydsanaa oo lala eegtay gantaal ay soo rideen Xuutiyiinta.

Imaaraadka Carabta ayaa durbaba qaaday weerar cirka ah oo ay uga jawaabeyso askarta laga laayay, waxaana duqeymo la eegatay goobo ay ku sugan yihiin Mucaaradka Xuutiyiinta.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!