Qabrigii Sadaam Xuseen oo gebi ahaanba la burburiyey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qabrigii Sadaam Xuseen oo gebi ahaanba la burburiyey

Ciidammada Ciraaq iyo maleeshiyaadka ka garab dagaallamaya ee ku wajahan magaalada Tikrit, ayaa sheegaya in qarbiriga hoggaamiyihii hore ee dalkaasi, Saddaam Xuseen, gebi ahaanba la burburiyay.

Muuqaal ay duubeen kaamireystayaal ka tirsan wakaaladda wararka ee (AP), oo la socda ciidammada Ciraaq, ayaa muujinaya dhismaha qabriga oo uu ka haray tiirar keliya, kaasi oo ku yaalla tuulada Al-Awja.



Wararja ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dadka Sunniyinta ah ay ka shaki qabaan in dagaalyahanada Shiicada ah ay si ulakac ah ah u burburiyeen dhismaha Qabriga.

Sanadkii hore ayaa Kooxo Suniyiin ah ee deegaanka waxay shaaca ka qaadeen in Meydka Saddaam Xuseen ay ka saareen qabriga, iyagoo geeyay goob aanay shaacinin.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!