Qabanqaabo lagu soo dhaweynta madaxweynaha Turkiga oo saaka ka socota Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qabanqaabo lagu soo dhaweynta madaxweynaha Turkiga oo saaka ka socota Muqdisho

Mareeg.com: Waxaa saaka magaalada Muqdisho ka socda qabanqaabada soo dhaweynta madaxweynaha dalka Turkiga, Reccep Tayyip Erdogan, kaasoo saacadaha soo socda laga sugayo Muqdisho.

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo kuwaTurkiga ah ee dalka jooga ayaa kusii qulqulaya garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, waxaa si weyn loo adkeeyey amaanka caasimadda, gaar ahaan xaafadaha iyo wadooyinka ku dhow meelaha uu booqan doono madaxweynaha dalka Turkiga.

Waxaa la hakiyey dhaqdgaqaaqa wadooyinka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, Maka Almukarrama, Tarabuunka, wadooyinka ku dhow madaxtooyada iyo kuwa kale.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka la hadlay ayaa ka codsaday iney dulqaataan sacaadaha ay joogaan martida dalka Turkiga, xilligaas oo waddooyin badan xirnaan doonaan.

“Sahacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in marti inoo imaan doonto uu hogaaminayo madaxweynaha dalka Turkiga, Erdogan, marka haloo dulqaato saacadaha waddooyinka qaar xirnaan doonaan, ciidamada amaankana hala garab istaago” ayuu madaxweyne Xasan Sheekh yiri.

Shalay ayay aheyd markii Alshabaab qarax gaari la beegsadeen Hotelka SYL oo ay ku sugnaayeen wafdi Turki ah oo horudhac u ah madaxweynaha dalkaas, Reccep Tayyip Erdogan.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!