Qaban qaabada shirka wada tashiga doorashada 2016 iyo aayaha Soomaaliya oo ka socda Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qaban qaabada shirka wada tashiga doorashada 2016 iyo aayaha Soomaaliya oo ka socda Muqdisho

September 19 (Mareeg)— Waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya qaban qaabada shirka wada tashiga hanaanka doorasho iyo aayaha siyaasadeed ee Soomaaliya sanadka 2016, iyadoo shirkan uu furmayo 20-ka bishan oo ku beegan maalinta berri oo Axad ah.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Cumar Cabdirashiid ayaa todobaadkii hore kaga dhawaaqay magaalada Kismaayo 20-ka bishan magaalada Muqdisho ka dhici doono shirka wada tashiga hanaanka doorasho iyo aayaha siyaasadeed ee Soomaaliya sanadka 2016.

 

Wafdi ay hogaaminayaan Madaxda Maamul goboleedyada dalka ayaa lagu wadaa inay maanta soo gaaraan magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb galaan shirka wada tashiga ee doorashada sanadka 2016.

 

Sidoo kale wafuud ka socota Beesha Caalamka ayaa iyana lagu wadaa inay soo gaaraan magaalada Muqdisho, si ay iyana uga qeyb galaan shirka wada tashigan oo la filayo inay ka soo baxaan go’aano ku aadan qaabka doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonto.

 

Dowladda Federaalka ayaa qaadan doonta doorka hogaamineed ee shirka wada tashiga, waxaana la filayaa in laga qeyb geliyo qeybaha bulshada, sida aqoonyahanada, dhalinyarada, haweenka, odayaasha dhaqanka iyo culumaa’udiinka.

 

Baarlamaanka iyo Xukuumadda ayaa dhowaan si rasmi ah u cadeeyay in aysan doorasho qof iyo cod ka dhici karin Soomaaliya, iyadoo todobaadkii hore uu Baarlamaanka meel mariyay Golaha wada tashiga Hiigsiga sanadka 2016.

 

Shirkan ayaa marka la soo gaba gabeeyo laga soo saarayaa Road Map ama khariirad qeexeysa nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta sanadka 2016.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!