Qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada dalka oo kusii jeeda Kismaayo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada dalka oo kusii jeeda Kismaayo

Magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa waxaa lagu wadaa in uu ka furmo shir ay yeelan doonaan Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Shirkan ayaa waxa uu furmi doonaan 3-da bishaan,iyadoo Shirka looga hadli doono qodobo ay kamid yihiin Xaaladaha guud ee dalka iyo sida loo hagaajin karo xiriirka dowladda iyo dowlad gobaleedyada dalka .

Dhinaca kale waxaa maanta la filayaa in Magaalada Kismaayo ay gaareen qaar kamid ah Madaxda Madaxweynayaasha maamul gobalaeedyada.

Ammaanka Magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa maanta si weyn loo adkeeyay,iyadoo sugida amniga ay iska kaashanayaan Ciidamada jubbaland,kuwa AMISOM ee ku sugan Magaalada.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!