Qaar kamid ah dhaawacyada qarixii Muqdisho oo dibadda loo qaaday

Read Time:38 Second

Magaalada Muqdisho ka qaaday tiro kamid ah dadkii ku dhaawacmay qarixii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Diyaaradda oo ay la socdaan dhaqaatiir farabadan ayaa waxaa ay Magaalada Muqdisho ka qaaday 12 kamid ah dadkii ugu darnaa ee qaraxa ku dhaawacmay,kuwaas oo ay ku jiraan laba muwaadin oo u dhalatay dalka Turkiga.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya iyo Guddiga gurmadka ee uu Magacabey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa ay ka sagootiyeen Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Danjire Jaamac Cabdullahi Caydiid ayaa sheegay in dalka Turkiga isbitaallada ku yaalla looga diyaar garoobey dhaawacyada la geynayo,isla markaana dowladda Turkiga iyo Shacbaka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi ay kaalin wyen ka qaadan doonaan.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %