Qaadka oo maanta kusoo laabanaya suuqyada Muqdisho & magaalooyin kale * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qaadka oo maanta kusoo laabanaya suuqyada Muqdisho & magaalooyin kale

Mareeg.com: Waxaa lagu wadaa in maanta ay dib u bilawdaan dulimaadyadii diyaaradaha qaadka ka qaada dalka Kenya ee geeya dalka Soomaaliya.

Duulimaadyadaasi ayaa hakad galay muddo 3 maalmood ah, kaddib markii ay ganacsatada khaadka ee Soomaalida ah ay ka biya diideen qiima kordhin ay khaadka ku sameeyeen beeralayda.

Ganacsatada ayaa hadda sheegaya in qiimaha laga dhimay, oo jawaankii 55 kun ilaa 60 kun horay u ahaa laga dhigay 25 kun shilinka Kenya ah, sidaas waxaa sheegtay Sureer Jaamac Maxamuud oo ka mid ah ganacsatada Qaadka ka keenya Kenya.

Maalin weliba ilaa 16 diyaaradood ayaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho geeya qaadka ka baxa Kenya, halka Puntland ay tegi jirtay diyaarad weyn, kuwaasoo maanta Muqdisho iyo deegaanada Puntland ka degaya.

Sureer Jaamac Maxamuud ayaa sheegtay inaan waxba laga badelin canshuurtii adkeyd ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya kusoo rogtay qaadka, balse qiimihiisa la dhimay.

Waxey sheegtay Sureer Jaamac in qolooyon ka tirsan ganacsatada qaadka ay si fowdo ah u dalbadeen qaadka, taasina keentay in qiimo dhimistii la filayey aysan helin.

Muddo 3 maalmood ah ayaan wax qaad ah la geyn caasimadda Soomaaliya iyo magaalooyinka ku xiran iyo deegaanada maamulka Puntland.

Mareeg Media 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!