Qaadka oo maalintii labaad ka maqan Muqdisho & magaalooyin kale * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qaadka oo maalintii labaad ka maqan Muqdisho & magaalooyin kale

Mareeg.com: Waxaa maalintii labaad xaniban ganacsigii qaadka ee ay Kenya u dhoofin jirtay Somalia, kaasoo la joojiyay kadib markii uu ismari waa ka dhashay qiimaha uu ku kacayo.

Ganacsatada Soomaalida ayaa iska joojiyay badeecadii qaadka ee ay ka heli jireen Kenya, iyagoo caro ka muujiyay lacagta qaadkaasi oo si aad ah sare loogu qaaday.

Sababta loo joojiyey qaadka ayaa ah isagoo qaali ka ah Kenya iyo dowladda Soomaaliya oo canshuur adag kusoo rogtay.

Tallaabadaan ayaa noqoneysa mid saameyn ku yeelatay dad fara badan oo ay noloshooda ku tiirsaneyd ganacsigaasi.

Qaar ka mid ah dadka Soomaalida ah ee isticmaali jiray qaadka ayaa ka hadlay arintaan iyagoo siyaabo kala duwan uga war bixiyay saameynta ay keeneyso iyo isbadalka ka dhalan kara. Waxaana intooda badan ay soo dhaweeyeen joojinta jaadka.

Kenya ayaa Somalia maalin walba u dhoofin jirtay qaad magaalooyin dhowr ah lagu geyn jiray diyaarado qaas ah, iyo gawaari, ganacsigaasi oo ay Kenya kasoo xareen jirtay lacag malaayiin dolar ah.

Dowlada Britain oo ka mid ahayd meelaha ugu badan ee qaadka loo dhoofiyo ayaa horay uga mamnuucday dalkeeda in la geeyo wax qaad ah, taasoo saameyn ku yeelatay dhaqaalaha dadka ku tiirsan ganacsiga qaadka ee dalkani Kenya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.