Qaabkee ayuu u dhacay weerarka Mareekanka ka fuliyay Duleedka muqdisho?

Read Time:36 Second

Muqdisho ( Mareeg News ) Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka Mareykanka Africa ee AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay inay duqeyn ka geysteen Saldhig ay maleeshiyaadka al-Shabaab ku leeyihiin meel 15 Mile ka xigta Koonfur Galbeed Magaalada Muqdisho.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaasi ay dhacday gelinkii dambe ee Arbacadii ina dhaaftay oo ku asteysaneed 23-ki bishan.

Mareykanka wuxuu sheegay duqeyntaasi inuu ku dilay ilaa 11 nin oo ka mid ahaa ururka Al-shabaab, balse ma aanu kala saarin raggan in ay isugu jireen saraakiil iyo ciidan.

Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanada la xiriira macluumka ku saabsan Duqeyntan iyo magacyada ragga lagu dilay, islamarkaana ay baarayaan in duqeynta waxyeelo lagu gaarsiiyay dad rayid ah.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %