Puntlnad: Waxaan bilaabeynaa wajiga 3-aad ee la dagaalanka Alshabaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Puntlnad: Waxaan bilaabeynaa wajiga 3-aad ee la dagaalanka Alshabaab

Mareeg.com: Maamulka Puntland ayaa sheegay inuu bilaabayo wajiga 3-aad ee la dagaalanka Alshabaabka ku jira buuraleyda Golis ee gobolka Bari, halkaas todobaadkii tegay dagaalka xoog leh ka dhacay.

Ciidamada Puntland ee ku sugan buuraha Galgala ayaa sheegay iney soo gaba gabeeyeen wajigii labaad ee dagaalka ay la galeen Al-shabaab ee buuraha Galgala ku sugnaa.

Ciidamada daraawiishta Puntland ayaa sheegay iney bilaaben wajiga saddexaad ee dagaalka sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha ciidamada Puntland Gen Saciid Maxamed Xirsi “Saciid Dheere”.

Taliyaha oo saxaafada kula hadlay buuraha Galgala ayaa sheegay in ciidanka Puntland ee dagaalka adag kula jira Al-shabaab ay ku dileen wajiga labaad ee dagaalka 57 qof oo al-shabaab ah waxaan uu sheegay in ay dhaawac u geysteen 65 ka mid Al-shabaab.

Gen Saciid Dheere ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen madax sar sare oo ka mid ah Al-shabaabta buuralayda Galgala, Sidoo kalana ay qabteen madax kale oo uu ka mid yahay nin lagu magacaabay Axmed Gurey oo abaan duule u ahaa Shabaabka.

Taliyaha Ciidamada wuxuu shaaca ka qaaday in ciidamada Dowladda ay bilaabeen wajigii saddexaad ee dagaalka oo ay kaga daba tagayaan xoogaga Al-shabaab oo uu sheegay in ay ku dhuumanayaan qaybo ka mid ah deegaamada buuraleyda ee Galgala u dhow.

Alshabaab ayaa iyagu dhankooda sheeganaya iney khasaaro xoog leh gaarsiiyeen ciidamada maamulka Puntland ee kusoo weeraray meelaha ay ka degan yihiin buuraha Galgala.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!