Shirka ayaa waxaa warbixino looga dhageystay Xubno kamid ah Golaha Wasiirada Puntland,iyaga oo soo gudbiyey Arrimo la xiriira Wasaaradahooda.

Afhayeenka Puntland Jaamac Dabaraani ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in dowladda Soomaaliya Ardayda Puntland u diidey Shahaadada Dugsiyada Sare ee Sanadkan.

Waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka ay dagaal kula jirto horumarka Waxbarasho ee ka jira deegaannada Puntland,Isla markaana Arday farabadan oo loo diidey Shahaadada Sanadkan ee Dugsiyada Sare ay ku xayiran yihiin Magaalada Muqdisho iyo deegaanada Puntland.