Puntland:Sarkaal sare oo Toogasho lagu dhaawacay iyo Masuuliyada Weerarkaasi oo la sheegtay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Puntland:Sarkaal sare oo Toogasho lagu dhaawacay iyo Masuuliyada Weerarkaasi oo la sheegtay

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gbolka Bari ayaa sheegaya in maanta toogasho lagu dhaawacy Taliye ku xigeenka Sedexaad ee ciidanka booliska maamulka Puntland Jaamac Saxar-diid Cabdi.

Sida aan Wararka ku heleyno Taliyaha ayaa la dhaawacvay xili uu kasoo baxay Hotel uu deganaa oo ku yaalay Wadada dheer ee hormarta garoonka kubadda cagta magaalada Boosaaso, waxaana Taliyaha toogtay rag bistoolado ku hubeesan.

Ragii ka dambeeyay weerarkii lagu dhaawacay Taliye kuxigeenka ciidanka booliiska Puntland ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halka uu weerarku ka dhacay soo gaaray ciidamada amaanka Puntland kuwaa oo sameeyay baaritaano aan natiijadooda la shaacin.

Dhaawaca Taliye Jaamac Saxar-diid cabdi ayaa lasoo sheegayaa in uu yahay mid culus , waxaana taliyaha ku dhacday sida aan wararka ku heleyno dhoor xabadood, waxaana lagu daweenayaa isbitalaka guud ee magaalada Boosaaso.

Xarakkada Al Shabaab Idaacada Afkooda ku hadasha ayaa baahisay in Al Shabaab masuul ka aheed weerarka maanta lagu dhaawacay Taliye kuxigeenka Sadexaad ee ciidamada booliiska maamulka Puntlnad.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!