Puntland oo Xukun ku riday 40- ka mida Maxaabiistii Alshabaab ay horay uga qabteen. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Puntland oo Xukun ku riday 40- ka mida Maxaabiistii Alshabaab ay horay uga qabteen.

Maxkamadda Ciidanka Milatariga Dowladda goboleedka Puntland , ayaa xukun dil ah ku riday 43-nin oo kamid ahaa Maleeshiyaadkii Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday Deegaano katirsan maamulkaasi.

Xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland Cabdullaahi Xersi Cilmi  ayaa sheegay in 43-nin oo katirsanaa Al-Shabaabkii kusoo duulay deegaanada Puntland lagu riday xukun dil ah, gaar ahaan kuwii qaan gaarka ahaa  ee da’doodu ka weyn tahay 18-sano jir, waxaana ragan la xukumay lagu eedeeyay in ay soo weerareen Puntland ayna dileen askar katirsan maamulkaasi.

Xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale xusay in Maleeshiyaad kale oo aan la xukumin ay jiraan kuwaasi oo ah kuwa ah caruur yar yar oo aan qaangaar ahayn, waxa uuna tilmaamay in qorshahooda yahay in dhalinyaradaasi yar yar loo sameenayo dhaqan celin.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!