Agaasimaha Guud ee Daljir, Axmed Sheekh Maxamed Tall Man oo sheegay in ciidanku xarunta idaacada ugu yimaadeen ka dibna ay u kaxeeyeen dhanka saldhiga Galbeed.
Axmed Tall Man waxa uu sheegay in aysan si dhab ah ugarayn sababta xarigan idaacadana la keenin sababta loo xiray. Tall ayaa caddeeyey inuu aad uga xunyahay falka uu ku kacay maamulka Puntland ee ah xarigga saxafiyiinta.
Radio Daljir xarunteeda Garoowe waxaa shalay Jimcahii ay sii deysay barnaamij ku saabsan xaalada amaanka Puntland, Dhaqaalaha iyo siyaasada dalka.
Dhanka kale, Ururka saxaafada Puntalnd (MAP )ayaa ka hadlay xariga Agaasimaha iyo Tifaftiraha Radio Daljir Garoowe , MAP wuxuu cabaareeyey xariga isagoo ka dalbaday maamulka Puntland in si shuruud la’aan ah ku sii dayso Suxufiyiintan.
Gudoomiyaha Ururka MAP, Faysal Khaliif Bare ayaa sheegay in Ururku ka xun yahay xarigan oo u sheegay in uu yahay mid sharci daro ah, Gudoomiyaha wuxuu sheegay in xarigan xad gudub ku yahay sharciga saxaafada Puntland iyo xuquuqda saxaafada, wuxuu dalbaday in si shuruud la’aan loo daayo.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.