Puntland oo xabsiga dhigtay Askar laga shakiyey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Puntland oo xabsiga dhigtay Askar laga shakiyey

Wararka Shabakadda wararka Mareeg.com ay ka heleyso Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamda Puntland ay Xabsiga dhigeen in ka badan 20 askari oo laga shakiyey.

Ilo xog-ogaal ayaa waxaa ay sheegeen in sababta Ciidamada loo xiray ay tahay in looga shakiyey in loo qaadi rabay magaalada Muqdisho,isla markana uu u yeeray taliyaha ciidamada Lugta ee Soomaaliya Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir.

Ciidamada la xiray ayaa waxaa lagu aruurinayey Guri ku yaalla boosaaso, iyaga oo ahaa hal beel,hayeeshee ay ciidamada ka shakiyeen hubkana laga dhigay laan xiray.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in baaritaano dheer oo la sameeyey kadib Ciidamada la siidaayey hubkoodiina lagu wareejiyey,waxaana taasi ay khilaaf ka dhex abuurtay Saraakiisha sar sare ee Ciidamada Puntland.

Taliyaha Ciidamada Lugta ee Soomaaliya Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa dhawaan waxaa markii uu Magacaabey Madaxweyne Farmaajo uu hoary u soo kaxeystay in ka badan 15 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada PSF-ta Puntland,isaga oo aan ku wargelin saraakiisha.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!