Puntland oo War adeg kasoo saartay qof si bareer ah loogu dilay Garoowe * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Puntland oo War adeg kasoo saartay qof si bareer ah loogu dilay Garoowe

Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka hadlay Gabar dhalinyaro ah oo labadii bishaan Magaalada Garoowe ugu geeriyooday rasaas ay fureen Ciidamo ka tirsan Maamulkaas.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha ayaa waxaa lagu Cambaareeyay falkii Ciidamada ay ku rasaaseeyeen dad shacab ah oo banaanbax ka waday bartamaha Garoowe, rasaastana ay ku geeriyootay gabadha oo lagu magacaabi jiray Nadiiro Faarax Shire.

Xafiiska Difaacaha ayaa sheegay in Marxuumad Nadiiro Faarax oo 15 sanno jir aheyd marka hore uu soo gaaray dhaawac Culus, isla markaana la geeyay Isbitaalka weyn ee Magaalada, hayeeshee halkaas labadii bishaan ugu geeriyootay dhaawicii soo gaaray.

Sidoo kale Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa laamaha amniga ka dalbaday inay si  dhaqsi ah sharciga u hor keenaan Askarigii sida cad ugu riday rasaasta dadkii banaanbaxa ka waday Garoowe 26-kii December 2020.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.