Mareeg Media
Somalia

Puntland oo u hanjabtay dad hurinaya colaada Gobolka Mudug

Dowlad Goboleedka  Puntland ayaa  baaqnabadeed kasoo saaray cooladda kasoo cusboonaatay aaga degmada Tawfiiq ee gobolka Mudug,taas oo u dhaxeysa laba maleeshiyo Beeleed.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Puntland ay ka walaacsan tahay colaada gobolka Mudug,isla markaana ay ku baaqeyso in si deg deg ah loo joojiyo.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Puntland ay u digeyso dadka ka qeyb qaadanaya hurinta Colaadaas,iyada oo sidoo kale Odayaasha iyo Culima’udiinka Gobolka Mudug ugu baaqday inay ka qeyb qaataan joojinta colaada iyo ilaalinta Colaada.

Dgaalkii shalay markale labada maleeshiyo Beeleed ku dhex-maray duleedka degmada Towfiiq ee Gobolka Mudug ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen in ka badan 20 Ruux.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Madaxtooyada Puntland.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!