Puntland oo toogatay saddex nin oo lagu eedeeyey iney ka tirsan yihiin Alshabaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Puntland oo toogatay saddex nin oo lagu eedeeyey iney ka tirsan yihiin Alshabaab

Mareeg.com: Maxkamadda Ciidamada ee maamulka Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay 3 nin oo ay sheegtay iney ka tirsanaayeen Alshabaab.

Saddexda la toogtay ayaa ka mid ah 4 nin oo 16-kii bishii Feberaayo maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah, iyadoo la sheegay in lagu heley iyagoo gacmaha kula jira fal-danbiyeed.

Afarta nin ayaa kala ahaa:

1: Maxamed Cabdi Axmed oo la baxay “Olol”
2: Xaajow Shiikh Nuur Cismaan oo la baxay “Shiishaan”
3: Ismaaciil Cabdulqaadir Jaamac oo la baxay “Rabbiile”

Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland Xasan Maxamuud Alloore oo Saxaafadda kula hadley magaalada Garowe ayaa sheegay sheegay in maanta oo Isniin ah dil toogasho ah lagu fuliyey saddex ka mid ah kuwii maxkamaddu dilka ku xukuntey kuwaas oo kala ah:

“Kuwa maanta la toogtey ayaa dhammaantood ay ku caddaatay inay xubin ka ahaayeen Ururka Al-shabaab islamarkaana Maxkamada ciidanka Puntland ay kucadaysay dambiyada ay gaysteen ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 16-3-2015 waxaa lagu toogtay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Barri ee Dawladda Puntland” ayuu yiri wasiir Aloore.

Maamulka Puntland ayaan sheegin sababta loo reebay ninka afaraad oo lagu magacaabo Xasan Xuseen Cabdi, kaasoo raggan saddexda la xukunaa.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!