Puntland oo taliye cusub oo magacawday aaga Galgala ee Alshabaab ka dagaallamaan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Puntland oo taliye cusub oo magacawday aaga Galgala ee Alshabaab ka dagaallamaan

Boosaaso – Mareeg.com: Taliyaha ciidanka difaaca Puntland Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Dheere) ayaa magacaabey taliyaha ciidanka daraawiishta ee Jiida Galgala, kadib markii maalmo ka hor Alshabaab weerar gaadmo ah ku dileen talihii aagaas Col.Jaamac Siciid Warsame (Afguduud).
Taliyaha ayaa u magacaabey Col. Maxamuud Cabduqlaadir Xasan Cadde in uu uu noqdo taliyaha cusub ee ciidanka daraawiishta ku sugan aaga Galgala.
Taliyaha cusub ayaa muddo ka tirsanaa ciidanka Daraawiishta, waxaana uu mar noqdey Taliyaha Gobolka Mudug.
Wareegtada uu Taliyaha Ciidanka Difaacu ku magacaabey Col. Maxamuud Cabdulqaadir X. Cadde ayaa lagu sheegay in uu tixgeliyey khibradiisa ciidan iyo kartidiisa shaqo.
Taliyihii ciidanka daraawiishta ee aaga Galgala Col.Jaamac Siciid Warsame (afguduud) ayaa Al-Shabaab gaadmo ku dileen 16.03.2014.
Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!