Puntland oo taageero ka rabta ciidamada Midowga Afrika ee Amisom * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Puntland oo taageero ka rabta ciidamada Midowga Afrika ee Amisom

Garowe – Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa sheegay in maamulkiisu ka doonayo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iney ka caawiyaan sidii ay u sugi lahaayeen amaanka xuduudaha Puntland la wadaagto gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya.

Gaas ayaa xusay in Al-Shabaab ay gabaad ka raadsan doonaan Buuralayda Galgala oo sanadihii u dambeeyay kusoo xoogeysanayeen, haddii laga riixo gobollada dhowrka ah ee ay ka maamulaan koonfurta Soomaaliya.

“Howlgalkaan wax iskaashi ah nagama dhexeeyo, waxaan leenahay hal cadow, oo ah Al-Shabaab, waa in nalaga tashto,’’ ayuu yiri C/weli Gaas oo u warramay Reuters.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa sidoo kale sheegay inaan maamulkiisa la siinin wax taageero milateri oo lagu dhisaayo ciidamada amaanka.

Alshabaab oo xarrun ciidan ku leh buuraleyda Galgala ee gobolka Bari ayaa waxaa hadda koonfurta Soomaaaliya uga wajahan dagaal dhowr dhinac ah oo ay ka qeybqaadanayaan ciidamada Midowga Afrika ee gacanta siiya ciidamada Soomaaliya.

Puntland ayaa sida madaxweyne Gaas sheegay ka cabsi qabta in Alshabaab isugu tagaan burraleyda Galgala, halkaasoo ah meel ay adagtay in laga saaro.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!