Puntland oo soo bandhigtay khasaaraha ka dhashay roobabka
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowlad Goboleedka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhamanacad oo Warbaahinta shir karaa’id u qabtay ayaa soo bandhigay khasaaraha nafeed iyo midka hantiyadeed ee ka dhashay Roobabkii ka da’ay deegaanada Puntland.
Waxa uu sheegay in Roobka uu sababay dhimashada 9 Ruux ayna ku xoolo beeleen in ka badan Boqol Qoys,sidoo kale ay biyaha roobka xireen 17 ka mid ah wadooyinka waaweyn ee deegaanada Puntland.
Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in weli Puntland ay wado baaritaano ku aadan khasaaraha nafeed iyo midka hantiyadeed ee uu geystay roobka saacadihii la soo dhaafay ka da’ayay deegaanada Bari iyo Nugaal ee Maamulka Puntland.
Comments are closed.