Mareeg.com: Maamulka Puntland ayaa maanta magaalada Boosaaso kusoo bandhigay 3 nin oo ay sheegeen iney ka tirsanaayeen Alshabaab, gaar ahaan qeybta buuralleyda Golls.
Magacyada ragga lasoo bandhigay ayaa magacyadooda lagu kla sheegay Mukhtaar C/nuur oo ku magac dheer Axmad Guray, taliyihii Al-Shabaab ee buuraha Golis, C/waaxid Cali Kamaa-diid iyo Guuleed Bashiir.
Taliyaha ciidanka booliska Puntland, Maxamad Saciid Jaqanaf oo saxaafadda kula hadlay gudaha saldhiga booliska ayaa sheegay in magaalada laga sameeyey hawlgal ballaaran oo lagu sugayey amniga, iyadoo la soo qab-qabtay dad fara badan, qaarkoodna la sii daayey baaritaano lagu sameeyey kadib halka kuwa kalena weli ay ku socdaan baaritaan.
Mid ka mid ah 3-da nin ee lasoo bandhigay oo lagu magacaabo Axmad Guray oo la hadlay warfidiyeenada ayaa sheegay xilligii la soo qabanayey in uu isaga baxay Shabaab, isla markaana ciidanka Puntland ay ka soo qabteen magaalada Garowe.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.