Puntland oo Somaliland uga digtay cawaaqib xumada qabsashada Taleex * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Puntland oo Somaliland uga digtay cawaaqib xumada qabsashada Taleex

Garowe – Mareeg.com: Maamulka Puntland ayaa si kulul u cambaareeyey qabsashadii ciidamada Somaliland qabsadeen degmada Taleex ee gobolka Sool, halkaasoo dhawaan lagu qaban rabay shir lagu dhisayo maamul hoostaga dowladda federaalka Soomaaliya.

Kadib markii shalay ciidamada Somaliland xoog kula wareegeen degmada Taleex ayaa waxaa warbaahinta la hadlay wasiirka warfaafinta maamulka Puntland Cabdiwali Xirsi Indho-guran.

Shir deg-deg ah oo ay gollaha wasiiradda Puntland ku yeesheen magalada Garowe ayaa waxay go’aan qodobaysan kasoo saareen qabsashada ciidamada Somaliland ee magalada Taleex, waxaana warka kazoo baxay Puntland u qornaa sidan:-

Maanta oo ay taariikhdu tahay 15-kii April, 2014, ciidamada maamulka Somaliland waxay si gardara leh ugu soo xadgudbeen deegaano ku dhow Degmada Taleex oo ka tirsan Puntland, kuwaasoo wali sii wada xadgudubyada ay ku hayaan dadka iyo dalka reer Puntland.

Gardaradan iyo daandaansiga, Golaha Wasiirada Dowlada goboleedka Puntland shirkii ay iskugu yimaadeen waxay kasoo saareen qodobadan soo socda:

1. Dowlad goboleedka Puntland waxay si kulul u canbaaraynaysaa xadgudubka qaawan ee maamulka Somaliland, waxayna uga digaysaa Dawlada puntland cawaaqib xumada ka iman doonta gardaradooda.

2. Puntland waxay in badan ku baaqaysay ilaalinta nabadda iyo daris wanaaga; hadii taa la waayo, Puntland waxay diyaar u tahay inay daafacdo dadkeeda iyo dalkeeda.

3. Waxaan uga digaynaa maamulka Siilaanyo taageerada, taakulaynta iyo la shaqaynta kooxda argagaxisada ee Al-Shabaab oo liddi ku ah nabada iyo xasiloonida Puntland, Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

4. Daan daansiga maamulka Siilaanyo ee uu kusoo qaaday deegaamada Puntland, wuxuu salka ku hayaa fashilka siyaasadeed ee ka haysta gudaha maamulkiisa si uu u jaah-wareeriyo shacabkiisa.

5. Waxaan ogaysiinaynaa Wadamada Ururka IGAD, Midowga Afrika, iyo beesha caalamka in Puntland aanay u dulqaadan doonin gardarada joogtada ee maamulka Siilaanyo iyo wada shaqaynta uu la leeyahay Al-Shabaab.
Ugu dambayntii, waxaan beesha caalamka ka codsanaynaa in arintan talaabo deg deg ah laga qaado.

Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib markii ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland ay qabsadeen degmada Taleex, halkaasi oo horey maamulka Somaliland u sheegtay in deegaan ahaan uu hoos yimaado.

–DHAMAAD–

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.