Muqdisho: Wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda maamulka Maamulka Puntland ayaa heshiis la gashay shirkad kalluumaysi oo dalka Thailand laga leeyahay.
Heshiiska ayaa u ogolaanaya shirkaddaas oo lagu magacaabo Hamza Foundation in ay ka kalluumaysato xeebaha Puntland.
Heshiiska ayaa dhigaya shirkadda inay Puntland keensan karto doonyaha kalluumaysiga islamarkaana ay ka kalluumaysan karaan xeebaha Puntland, lama sheegin waqti cayiman oo heshiiska uu ku egyahay iyo xajmiga kalluunka shirkadda ay ka qaadanayso xeebaha Puntland.
Wasiirka wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda ee Puntland Maxamed Faarax Aadan iyo Fu’aad Mahdi oo wakiil ka ahaa shirkadda, ayaa heshiiskaas si wadajir ah u saxiixay.
Wasiirka oo saxaafadda la hadlay heshiiska kadib ayaa sheegay inuu rajaynayo shirkada inay kusoo xiraan shirkado kale kalluumaysi oo yimaada Puntland, isagoo sheegay waxa ay doonayaan inay tahay lacagta iyo kalluuumaysiga inay isdhaafsadaan Puntland iyo Thailand.
“Heshiis ballaran ma ahan, waa heshiis kooban waxan ku heshiney labadan nin ee ganacsatada ah in ay keensadaan gaadiid kallmuumysi Puntland anaguna aan u ogolaano in ay ka kalluumaystaan, qaabkii saxda ahaana la maro” wasiirka oo warfidiyeenka la hadlayey ayaa sidaas yiri.
Heshiiska ayaa kusoo beegmaya xilli inka badan 50- doonyood oo kalluumaysi oo ajnabi ah ay ku jiraan xeebaha Puntland, kuwaasi oo badankooda laga leeyahay dalka Iiraan ayna ku kalluumaystaan sharci darro.
Mareeg.com