PUNTLAND OO SHEEGTAY IN RAG SOOMAALILAND KASOO GOOSTAY AY ISKU SOO DHIIBEEN * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

PUNTLAND OO SHEEGTAY IN RAG SOOMAALILAND KASOO GOOSTAY AY ISKU SOO DHIIBEEN

Mareeg.com- Wararka ka imaanaya deeganada Maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in maanta xubno ka tirsan Maamulka Soomaaliland ay isku soo dhiibeen Maamulka Puntland.TuuladaTukaraq oo ka tirsan deeganada Maamulka Puntland uu gacanta ku haayo ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay labo masuul oo kamid ah Golaha deegaanka Laascaanood ee maamulka Soomaaliland.Ragan isa soo dhiibay ayaa magacyadooda waxaa lagu sheegay Muqtaar Mahad,Cabdilaahi Dhigaale waxaa tuulada Tukaraq kusoo dhaweeyay wasiirka Ganacsiga,Kaluumaysiga ,xildhibaano iyo Odayaal dhaqan.Wasiirka Ganacsiga Maamulka Puntland Maxamuud Xasan Soocade ayaa usheegay warbaahinta in labadaan masuul ay kamid yihiin Maamulka Soomaaliland, gaar ahaan Golaha deegaanka Laascaanood wadahadal iyo dadaal dheer kadibna ay isku soo dhiibeen maamulka Puntland.Maamulka Soomaaliland dhankooda weli wax war ah kama soo bixin oo xaqiijinaya ama beeninaya hadalka kasoo baxay masuuliyiinta maamulka Puntland.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!