Puntland oo sheegtay in Dowladda Federalka ay hor taagan tahay fulinta hesiiska DP World * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Puntland oo sheegtay in Dowladda Federalka ay hor taagan tahay fulinta hesiiska DP World

Kadib kulan ay yeesheen Guddoonka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland  kaa oo ka dhacay caasimada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa looga hadlay mashaariicda kala duwan ee DP World ee Puntland.

Waxaa  kulanka  sidoo kale ay la qaateen xubnaha Ururada bulshada Rayidka ah ee Maamulkaas iyada oo su’aalo lagu weydiinayay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Puntland Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha.

Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Guddoonka oo kulanka ka hadlaayay ayaa ka hadlay cidda hor taagan fulinta heshiiska Shirkadda DP World ee ku aadan horumarinta dekedda Magaalada Boosaaso.

Baarlamaanka Puntland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay is hor istaag ku saameysay fulinta heshiiskii DP World ee horumarinta dekedda Boosaaso, isla markaana uu dhaqan geli waayay heshiiska.

Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Guddoonka oo su’aalo uga jawaabayay Ururada bulshada Rayidka ah ee Maamulkaas ayaa eedeynta u jeediyay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba heshiiska Shirkadda DP World ee ku aadan horumarinta dekedda Boosaaso eeXarunta Gobolka Bari ayaa la saxiixay 6 April 2017, waxaana Baarlamaanka dowladda Federaalka uu heshiiskaas waxba kama jiraan ku tilmaamay 12 Maarso 2018.

Muqdisho-Somalia               

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.