Puntland oo shaqadii ka ruqsaysay ku dhawaad 100 askari

Read Time:31 Second

Taliska ciidanka booliiska Puntland ayaa shaqadii ka ruqseeyay 80 askari oo katirsanaa ciiddamada bilayska ee gobolka Nugaal, sida laga soo xigtay qoraal kasoo baxay xafiiska taliyaha ciidanka bilayska Puntland.
Warqadda shaqo ka ruqsaynta oo soo baxay horaantii bishaan, ayaa lagu caddeeyay askarta shaqada laga eryay in aanay wax faa’ido ah u lahayn shaqada ciidanka ayna ahaayeen boos buuxis.
Waxaa kale oo lagu tilmaamay inay ku haboonaayeen in shaqada ciidanka laga saaro, kadib oogolaansho laga helay madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.
Tilaabadaan ruqsaynta 80-ka askari ayaa kusoo beegmaysa, kadib markii dhawaan maamulka Puntland uu bilaabay diiwaan galinta iyo tiro-koobka ciiddanka bilayska Puntland.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %