Puntland oo qaadacday Guddigii dowladda Federaalka u magacawday wada hadalada Somaliland * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Puntland oo qaadacday Guddigii dowladda Federaalka u magacawday wada hadalada Somaliland

Maamulka Puntland ayaa qaadacay Guddigii Madaxweyne Farmaajo maalin ka hor u magacaabay Wada hadalada Somaliland, iyagoo ku tilmaamay inay hareer marsan tahay dastuurka KMG.

War qoraal oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in hannaanka loo maray magacaabidda ay tahay mid hareer marsan qodobka 53aad ee Dastuurka KMG ah.

Puntland ayaa sheegtay in si gaar ah u taabaneyso qaddiyada wada hadalka Somaliland, waxaana intaa lagu daray si wada hadaladaas u mira dhalaan ay qeyb mug leh ka qaadato dadaalada iyo wada hadalada lagu baadigoobayo helista qadiyasa Puntland iyo Somaliland.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!