Mareeg Media
Somalia

Puntland oo markale xirtay Siyaasi dhaliilay

Ciidamada Booliska Dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa ay markale Xabsiga dhigeen Siyaasiga Dr. Muuse Cali Jaamac oo Caan ka ah deegaannada maamulkaas.

Siyaasiga iyo Odayaal kale ayaa Jimciii la soo dhaafay waxaa ay dhaliilo kala duwan u jeediyeen xukuumadda Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu hoggaamiyo,waxaana xalay uu ku hoyday Xabsiga Magaalada Boosaaso,sida ay  xaqiijiyeen dad ku sugan boosaaso.

Horay ayaa Ciidamada Puntland mar u xireen Siyaasiga 13-kii Bishii October ee sannadkan,kadib markii uu dhaliilay Xukuumadda Madaxweyne Deni,hayeeshee markii dambe lagu siidaayey cafis-maxkamadeed.

Tan iyo markii Puntland loo doortay Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa deegaannada Maamulkaas ka bilaawday in la xiro qaarkoodna loo caga jugleeyo dadka kasoo horjeeda Siyaasada Maamulkaas.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!