Puntland oo mamnuucday TV-ga Qaranka Soomaaliya (SNTV) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Puntland oo mamnuucday TV-ga Qaranka Soomaaliya (SNTV)

Mareeg.com: Maamulka Puntland ayaa markale ku dhaqaaqay tilaabo muujineysa inuusan wax xushmad ah u heyn dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo hoos yimaaddo.

Puntland ayaa maanta amartay in la xiro dhamaan xafiisyada Telefishinka Qaranka (SNTV) uu ku leeyahay deegaannada Puntland.

Qoraal uu ku saxiixan yahay wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimah gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Xaashi Qoob-deero, ayaa lagu andacooday in sababta SNTV loo xiray tahay isagoo baahiyey sida la yiri war been abuur ah oo ku saabsan qaabka Puntland ugu gurmatey qaxootiga Soomaaliyeed ee kasoo qaxaya dalka Yemen.

Wakiillada Telefishinka Qaranka ee magaalooyinka Garowe iyo Bosaso, Cabdi Xasan Awoowe iyo Axmed Naasir ayaa sheegay in lagu soo wargeliyey inaysan shaqeyn karin ilaa amar dambe.

Ururka Saxafiyiinta Puntland MAP ayaa cambaareeyey tallaabada dowladdu ku xirtey xafiisyada SNTV, wuxuuna maamulkaas ugu baaqay inay arrintan sida ugu dhaqsaha badan dib u eegis ugu sameyso.

Puntland waxa ay sheegtay in Barnaajinkaas sababtiisa loo xiray TV-ga uu baxay 17-kii Bishan. Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka jawaabin go’aanka maamulka Puntland.

Dad kasoo cararay dalka Yemen oo kasoo degay dekedda Boosaaso ayaa Mareeg Media u sheegay inaan wax badan loo qaba dadka qaxtooga ah, hase ahaate maamulku xoogga saaro inuu sawirro ka qadoo qof kasta ee doonta ka dega.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!