Mareeg Media
Somalia

Puntland oo Magacowday Guddi gurmad (AKHRISO)

Madaxweyne Kuxigeenka  Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Rooobka.

Guddiga gurmadka fatahaadaha Roobka ayaa loo xilsaaray in ay soo qiimeeyaan, isla markaasna warbixino ka soo diyaariyaan baaxadda waxyeelo ee fatahaadaha roobka, ayna wax ka qabtaan waxyeelada ay u geysteen daadadku dadka, xoolaha, wadooyinka, deegaanka iyo saamaynta ay ku reebeen roobabkii ka da’ayey guud ahaan deegaanada Puntland.

Sidoo kale Guddiga gurmadka fatahaadaha Roobka ayaa ka kooban Wasaarado, Hay’addo dowliya, Guddoomiyayaal Gobol iyo Taliska ciidanka Booliska Puntland, waxaana ay leeyihiin Guddoomiye, Guddoomiye Ku-xigeen iyo Xoghayn.

Guddiga ayaa kala ah: –

1. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Guddoomiye

2. Wasaaradda Hawlaha Guud G/Ku Xigeen

3. Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo
Biyaha Xubin

4. Wasaaradda Maaliyadda Xubin

5. Wasaaradda Ganacsiga Xubin

6. Wasaaradda Xanaanada
Xoolaha Xubin

7. Wasaaradda Deegaanka Xubin

8. Wasaaradda Caafimaadka Xubin

9. Wasaaradda Qorshaynta Xubin

10. Madaxtooyada Xubin

11. Taliska Ciidanka Booliska Xubin

12. Hay’adda HADMA Xoghayn

13. Hay’adda PHA Xubin

14. Guddoomiyayaasha Gobolada Xubin

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!