Puntland oo Maanta gacanta ku dhigtay Qaraxyo la doonayay in lagu…

Read Time:40 Second

Ciidamada ammaanka Maamulka Puntland oo saacadihii lasoo dhaafay howlgal ka sameeyay Magaalada Gaalkacyo iyo duleedkeeda ayaa waxaa ku soo qabteen waxyaabaha loo adeegsado qaraxyada.

Saraakiisha Laamaha Amniga Gobolka Mudug ee Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa ayaa sheegay in ay ku guulaysteen soo qabashada agab walxaha qarxa ah oo la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Puntland Cabdullaahi Cabdisalaan, Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Mudug Muumin Cabdi iyo Taliyaha Ciidanka Daraawishta Gobolka Mudug ayaa ayaa bandhigay agabyadan walxaha qarxa, iyagoona sheegay in weli wadaan baaritaano la xiriiraha qaraxyadan.

Sidoo kale Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in howlgal ammaanka lagu sugayo ay ka socdaan guud ahaan Mudug, xili habeeno kahor qarax khasaaro geystay uu ka dhacay Magaalada Gaalkacyo oo lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Puntland.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.