Puntland oo looga diyaar garoobayo soo dhaweynta RW Cabdiweli * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Puntland oo looga diyaar garoobayo soo dhaweynta RW Cabdiweli

Mareeg.com: Maamulka Puntland ayaa u diyaar garoobaya soo dhaweynta R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmd iyo wafdi uu hogaaminayo oo la filayo iney gaaraan Garowe. Maamulka ayaa gudi gaar ah oo soo dhaweynta RW.

Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo Haweenka ee Puntland ayaa si gaar ah loogu magacaabay in ay diyaariyaan qaban-qaabada lagu soo dhaweynayo raysul-wasaare C/wali oo markii ugu horeysay booqasho ku imaanaya gobolka.

Wararka ayaa intaasi waxay ku darayaan in booqashada ra’iisal wasaaraha qaadan doonto mudo maalmo ah, isagoona inta uu ku sugan Puntland booqan doono deegaano ka tirsan maamulkaasi.

C/wali Sheekh Axmed Maxamed iyo madaxweynaha Puntland ayaa horay u sheegay in R/wasaare Cabdiweli Sheekh uu booqan doona Puntland ayna kala hadli doonaan khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka ah iyo maamulka Puntland.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!