Puntland Oo Looga Dhawaaqay Saddex Maalmood Oo Baroordiiq Ah & Calanka Oo Hoos Loo Dhigay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Puntland Oo Looga Dhawaaqay Saddex Maalmood Oo Baroordiiq Ah & Calanka Oo Hoos Loo Dhigay

Garowe – Mareeg.com: Madaxwaynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku dhawaaqay in muddo 3 maalmood ah hoos loo dhigay calanka maamul goboleedka Puntland kadib markii uu dalka Mareykanka ku geeriyooday Raysul wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaaq Xaaji Xuseen.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ee xarunta Gobalka Nugaal ayaa sheegay in marxuumka loo sameyn doono aas qaran, ayna dhankooda ka qeyb qaadanayaan.

“Sida aad la socotaan waxaa na soo gaartay geerida naxdinta leh R/wasaarihii hore ee dalka Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo Maraykanka ku geeriyooday, waxaan xiriir khadka taleefonka ah la sameeyay R/wasaaraha Soomaaliya Dr C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo aan isla meel dhignay in Aas Qaran loo sameeyo Marxuumka, oo aan ka wada shaqeyno sidii dalka loo keeni lahaa” ayuu yiri Dr. C/weli Gaas.

Madaxweyne C/weli Gaas waxaa uu sheegay in C/risaaq Xaaji Xuseen uu ahaa Ra’iisal Wasaare Soomaaliya soo maray xilli ay Soomaaliya ka soo baxday gumeysi, wuxuuna ku tilmaamay shakhsi karti, hufnaan iyo maamul-wanaag ku caan baxay.

“Umadda Soomaaliyeed oo dhan wey ka dheregsan tahay halgankii C/risaaq Xaaji Xuseen ee gobonimo-doonka Soomaaliyeed iyo sidii uu ugu qidmeeyay Umaddiisa iyo dalkiisa” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas.

Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in marxuum Cabdirisaaq uu ahaa halyeey taariikh wanaagsan ku leh halgankii gobanimadoonka Soomaaliya, isagoo ka tacsiyeeyey geerida marxuumka, wuxuuna sheegay inuu ahaa geesi ka baxay gabi ahaanba shacabka Soomaaliyeed oo taariikhdu xusi doonto.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho kaga dhawaaqday guddi heer qaran oo agaasima aaska Raysul wasaarihii hore C/risaaq Xaaji Xuseen oo xalay ku geeriyooday dalka Mareykanka oo uu muddo deganaa.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!