Puntland oo la ogaaday in ay qeyb ka tahay dagaalada Galgaduud

Gaalkacyo ( Mareeg)-Iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay isi tarayeen eedeymaha loo jeedinayo maamul Goboleedyada hoosyimaad dowladda Dhexe oo la sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan dagaalada ka soconaya Xadka Gobolka Galgaduud uu la wadaago Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ayaa waxaa sii xoojiyay eedeymahaas mid ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed.

Cabdi Cali Faarax oo ka mid ah waxgaradka Gobolka Mudug islamarkaana la hadlayay Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa waxa uu sheegay in ay hubaal tahay maamulka Puntland in uu ku lug leeyahay dagaaladaasi , isagoo hoosta ka xariiqay in Ciidamo kuwa maamulka Puntland ka tirsan lagu arkay iyagoo ka qeyb galaya colaadaasi.

Xaalado Nolol xumo ayaa laga soo sheegayaa deegaanada lagu diriray kadib markii ay colaadahaasi ka barakaceen Boqolaal Qoys oo ka mid ahaa dadka deegaanadaasi degan hadana ma jirto wax gurmad samafal ah oo dadkaasi ay heleen, marka laga reebo maamulka Galmudug oo guddi soo qiimeeya xaaladaha dadkaasi u saaray.