Puntland oo ku raad-joogta Kooxo hubeysan oo weeraro fulin raba

Read Time:51 Second

Ciidanka ammaanka dowlad Goboleedka Puntland ee PSF ayaa xalay ilaa iyo saakay howlgal ballaaran ka wada Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, waxaaana howlgalkaas laga helayaa faah faahino.

Ciidanka amniga Puntland ayaa howlgalka sigaar ah uga wada xaafaddo ka tirsan Boosaaso oo bartilmaameed u ah, isla markaana baaritaano kala duwan ku sameeynaya gaadiidka isticmaalaya waddooyinka iyo goobo kale.

Qoraal kasoo baxay Taliska PSF ayaa waxaaa lagu sheegay in ujeedka howlgalka uu yahay mid lagu raadinayo xubno ka tirsan kooxaha waxa loogu yeero argagixisada, kuwaasi oo ay sheegeen inay doonayaan in weeraro ka geystaan Xarunta Gobolka Bari.

“Ciidamada Amniga Puntland (PSF) ayaa sameeyey hawlgal lagu raadinayey shakhsiyaad ka tirsan kooxaha waxa loogu yeero argagixisada ah oo doonaya in ay falal argagixisanimo ka geystaan Magaalada Boosaso” ayaa lagu yiri Qoraalka, in kastoo aysan shaacin in cid lagu soo qabtay howlgalkaas.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa horey uga dhacay weeraro iyo dilal qorsheysan oo ay geysteen rag hubeysan, waxaana xusid mudan in falalkaas qaarkood ay kala sheeteen Al-shabaab iyo Daacish.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.