Puntland oo ku faraxsan magacaabista RW Cumar Cabdirashiid

Read Time:1 Minute, 31 Second

Mareeg.com: Maamulka Puntland ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyey magacaabista madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Cumar C/rashiid Cali Sharmarke.

“Puntland iyadoo tixgalineysa isla markaana qadarineysa deganaanshaha dalka iyo siyaasada Somaaliya waxay marwalbana taageereysa  qorshe walba oo ay  ummada Soomaaliyeed uga baxayso jaahwareerka iyo Isqab’qabsiga siyaasadeed ee dib u dhaca ku ridey dhammaan hay’adihii Dawladda Soomaaliya, sidaa daraadeed waxay Puntland si buuxda usoo dhaweyneysaa magacaabida Reysul’waaraha cusub ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane  Cumar C/shiid Cali Sharmaarke” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka Puntland.

“Puntland ee Soomaaliya waxay ku amaaneysaa Reysul’wasaaraha cusub Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke Aqoontiisa  iyo waayo Aragnimda uu u leeyahey xilka loo magacaabey” ayey sidoo kale tiri Puntland.

Dhanka kale, Ra’isul wasaaraha cusub ee uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya, Cumar C/rishiid Cali Sharmaarke oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay qorshaha iyo howlaha uu doonayo in uu u qabto.

Ra’isul wasaare Cumar Cabdarashiid Cali ayaa waxa uu sheegay sida ugu dhaqsiyaha badan uu u sii dhisi doono Xukuumad tayo leh oo uu kala tashanayo madaxweynaha, Guddoonka Baarlamaanka, iyo Xildhibaannada Xukuumadaasi oo uu tilmaamay in  dalka ay ka samata bixin doonto  dhibaatada uu ku jiro, wuxuuna rajo wanaagsan uu ka muujiyay in Xukuumadaasi ay la imaan doonto Waxqabad buuxa oo dadka ay mahdiyaan.

Cumar C.rashiid Cali Sharmaarke ayaa waxa uu xusay in uu sii wadi doono horumarka Dowladda ay ku tilaabsatay waxa dhiman uu qaban doono oo ay ka mid tahay hiigsiga 2016 oo la doonayo in doorasho xor ah ay ka dhacdo dalka.

Ra’isul wasaaraha magacaaban ayaa waxa uu tilmaamay in uu wax ka qaban doono arrima la xiriira horumarinta dalka sida sugida ammaanka, iyo gaarsiinta dalka dowladnimada taa oo uu tilmaamay in ay tahay mida lagu xoojin karo dowladnimada.

Mareeg Media

 

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.