Maamulka Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay liiska xubnaha musharaxiinta u taagan aqalka sare oo ka kooban 11 xubnood.
Afhayeenka Madaxtooyada Puntland C/llaahi Quraan jecel oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa sheegay iney u gudbiyeen liiska xubnahan gudigga heer qaran ee doorashooyinka dadban.
Liiska waxaa ku jira siyaasiyiin caan ah oo qaarkood ay ka mid yihiin musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Somalia waxaana ka mid ah raisul wasaaraha dowlada xiligeedu dhamaday ee Somalia Cumar C/rashiid, Madaxweynihii hore ee Puntland, C/raxmaan Faroole, Gudoomiye ku-xigeenka baarlamanka Mahad C/lle Cawad, Jen.Maxamed Saciid Xirsi Morgan iyo siyaasiyiin kale.
Liiska Puntland ay gudbisay oo uu ku saxiixnaa Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa u qorna sidatan:-